Hordhac
Waa Maxay Xanuunka Qoorta iyo Gacmaha (Cervical Myelopathy)?
Xanuunka Qoorta iyo Gacmaha (Cervical Myelopathy) waa jirro ka dhalata cadaadis ku yimaada xudunta dareemaha laf-dhabarka ee qaybta qoorta. Cadaadiskan wuxuu sababi karaa dhibaatooyin kala duwan oo la xiriira dareenka iyo dhaqdhaqaaqa jirka. Waa sababta ugu badan ee keenta dhaawaca xudunta dareemaha ee dadka waaweyn, gaar ahaan kuwa ka weyn 55 sano.
AI ayaa lagu sameeyay sawirka
Calaamadaha Lagu yaqaano
Qoorta: Xanuun iyo in ay adkaato dhaqdhaqaaqeeda, qofka in uu dareema xanuun marka uu nuuxnuuxiyo qoorta, sidoo kale in ay ku adkaato marka uu salaama naqsanaayo.
Dareen La'aan ama Kabaabyo: Gacmaha iyo Lugaha oo laga dareemo kabaabyo taas oo ku faafta gacmaha oo dhan ama calaacasha iyo faraha oo kaliya ama qeyba ka mid ah qoorta iyo garabka.
Dhibaatooyinka Dhaqdhaqaaqa: Dhibaatooyin ku yimaada socodka ama gacmahiisa uu ku shanleesan waayo ama koobka shaaxa kor ugu qaadan waayo ama uu ka dhumo qiyaasta iyo isku dheelitirka jirka.
Shaqada uu qabsanwaayo: Gaar ahaan hoos u dhaca ku yimaada xirfadleyda farsamada gacanta ku shaqeysta siiba dhibaatooyink ku yimaada qabashada ama isticmaalka gacmaha wiliba si sax ah si farsamadooda aan ceyb ugu imaanin.
Kaadi ama Saxaro: Xaalka marku fogaado waxaa imaan karta in ay dhacdo xakameen la'aanta kaadida ama saxaro.
Sababaha Keena Xanuunka Qoorta iyo Gacmaha (Cervical Myelopathy)
Isbeddelka Da'da-Duqoobid (Degenerative Changes): Isbeddelada lafdhabarta ee la xiriira da'da sida daciifnimada carjaw-saxannada (discs) iyo samaysanka lafo-fiiqan(bone spurs) ayaa sababi kara cadaadis.
Spondylosis: Waa xaalad ay lafdhabartu si tartiib ah u xumaato, taasoo keenta ciriiriga marinka dareemayaasha.
Herniated Disc: Marka carjaw-saxannaka u dhexeeya lafaha uu soo baxo, wuxuu cadaadis saaraa xudunta dareemaha.
Cudurrada Sida Roomatiisimo (Osteoarthritis) iyo Lafo-beel (Osteoporosis): Xanuunnada lafdhabarta saameeya waxay kordhiyaan halista cadaadiska, sida qofka marka uu duqoobo kadibna dhumiyo tayada adeega lafahiisa.
Burooyin (Tumors) ama Cudurrada Kansaarka: Koritaanka unugyada aan caadiga ahayn waxay sababi karaan cadaadis.
Baaritaanka Xanuunka Qoorta iyo Gacmaha (Cervical Myelopathy)
MRI (Magnetic Resonance Imaging): Waa habka ugu fiican ee lagu ogaan karo cadaadiska ku jira xudunta dareemaha Qoorta.
CT Scan: Waxay bixisaa sawirro faahfaahsan oo laf-dhabarta ah, gaar ahaan marka MRI aan la heli karin ama heli ku keeni karto bukaan (sida: firir, xabad ama biro jirkiisa ku jiran-qaliinka jilbaha lagu badalo oo kale, iwm).
X-ray (Raajo): Waxay muujisaa isbeddelada laf-dhabarta sida Jabniinka, qalooca iyo kala sikadka lafaha dhabarka.
Electromyography (EMG): Waxay cabbirtaa dhaqdhaqaaqa murqaha si loo ogaado dhaawaca dareemayaasha.
Daaweynta Xanuunka Qoorta iyo Gacmaha (Cervical Myelopathy)
Daaweynta Aan Qalitaanka Ahayn:
- Daawooyinka Xanuun Baabi'iyaasha: Isticmaalkooda sida NSAIDs (ibuprofen) si loo yareeyo bararka iyo xanuunka.
- Jimicsi Fudud: Jimicsiyada lagu xoojiyo murqaha qoorta iyo dhabarka si loo yareeyo cadaadiska.
- Xirashada Qoor Celiyaha (Cervical Collar): Si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa qoorta oo loo yareeyo cadaadiska.
Qalitaanka (Surgical Intervention):
- Decompression Surgery: Qalitaan lagu yareeyo cadaadiska ku jira xudunta dareemaha.
- Laminectomy: Ka saarista qayb ka mid ah lafaha si loo ballaariyo marinka dareemayaasha.
- Discectomy: Ka saarista saxanka cadaadiska saaraya xudunta dareemaha.
Gunaanad
Xanuunka Qoorta iyo Gacmaha(Cervical Myelopathy) waa xaalad halis ah oo u baahan in si degdeg ah loo ogaado loona daweeyo. Daaweynta hore waxay ka hortagi kartaa dhaawacyo joogto ah oo ku yimaada xudunta dareemaha. Haddii aad la kulanto calaamadaha kor ku xusan, la xiriir dhakhtar si aad u hesho baaritaan iyo talo caafimaad.