Hordhac
Waa Maxay Shalal?
Shalalka waa xaalad degdeg ah oo caafimaad oo dhacda marka qulqulka dhiigga ee maskaxda uu istaago ama uu dillaaco xididka dhiigga qaada. Markay taasi dhacdo, unugyada maskaxda waxay bilaabaan inay dhintaan daqiiqado gudahood. Daaweyn degdeg ah ayaa muhiim ah si loo badbaadiyo nolosha iyo xasuusta qofka.
AI ayaa lagu sameeyay sawirka
Noocyada Shalalka
1. Shalal Dhiig-xiran (Ischemic Stroke):
- Waa nooca ugu badan.
- Sababta: Xididka dhiigga maskaxda u qaada ayaa xirmaya (buro dhiig ama baruur).
- Waxaa lagu magacaabaa Xidid Dhiig-xiran Maskaxeed.
2. Shalal Dhiig-furan (Hemorrhagic Stroke):
- Xidid maskaxeed ayaa dillaaca, dhiiggana maskaxda ayuu geliyaa.
- Waxaa lagu magacaabaa Xidid Dhiig-furan Maskaxeed.
- Badanaa waxaa sababa cadaadis dhiig sareeya (Hypertension).
Calaamadaha Hore ee Shalal– AGHU
Af-qalooc
Marka qofku dhoolla caddeeyo, hal dhinac ayaa hoos u dhaca.
Gacanta oo dhacda
Markuu qofku gacmihiisa kor u qaado, mid ayaa hoos u dhacda ama aan xoog lahayn.
Hadalka uu ku dhiba
Wuu hadli karaa si aan caddayn ama wuu isku dhex yaaci karaa.
Ula xiriir si deg deg ah rug caafimaad
Ha sugin! Wac adeegga degdegga ah ama u geey xarunta caafimaad.
Waqtiga Dahabka ah (Golden Hour):
Shalal Xidid Dhiig-xiran (Ischemic stroke) ah waxaa lagu daweyn karaa dawo dhiiga fura haddii la siiyo bukaanka 3 ilaa 4.5 saacadood gudahood.
Haddii waqtigaas laga dib dhaco, dhaawaca maskaxda wuxuu noqon karaa mid aan la celin karin.
AI ayaa lagu sameeyay sawirka
Maxaa Kordhiya Halista Shalalka ?
Dhiig karka (Hypertension)
Sonkorowga (Diabetes)
Sigaar cabidda
Buurnida (obesity)
Isticmaalka khamriga
Dhaqdhaqaaq la’aan
Dhaxal laga dhaxlo qoyska
Ka Hortagga Shalalka
Cunto caafimaad leh oo dufanka yar
Jimicsi maalinle ah
Ka fogaanshaha sigaar iyo khamri
La soco cadaadiska dhiigga iyo sonkorta
Kormeer caafimaad oo joogto ah
Daryeelka iyo Soo kabashada Shalalka
Qofka la il daran Shalal wuxuu u baahan yahay daaweyn joogto ah, caafimaad maskaxeed iyo mid jireed (physiotherapy).
Qoyska iyo bulshada waa inay taageero muuqata siiyaan si uu qofku uga soo kabto dhaawaca.
Gunaanad
Shalalka waa cudur halis ah oo aan la dhayalsan karin. Fahamka calaamadaha hore iyo ka falcelin degdeg ah waxay badbaadin kartaa maskaxda qofka iyo noloshiisa. Waxaad noqon kartaa farqiga u dhexeeya geeri iyo badbaado haddii aad aqoonsato calaamadaha oo aad si dhaqso ah ugu jawaabto.