Skip to Content

Doorashada Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed 2025 – Hoggaan Cusub oo Dib Loogu Amaanay Kalsoonida Dhakhaatiirta

Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed


Muqdisho, 18-ka July, 2025 – Waxaa si rasmi ah u qabsoontay doorashada Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed (SMA) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, maalinta Jimcaha 18-ka July. Doorashadan muhiimka ah ayaa ahayd mid si nabad ah ku dhacday oo ay ka soo qeybgaleen dhakhaatiir kala duwan oo ka kala yimid gobollada dalka.



Waxaa doorashada furay Dr. Cabdullaahi Maxamed Nuur (Torino), Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, isagoo sheegay in doorashadani ay tahay tallaabo muhiim u ah sii xoojinta ururka iyo doorkiisa hogaamineed ee caafimaadka Soomaaliya.


Hoggaanka Cusub ee La Doortay

Waxaa markale dib loogu doortay Dr. Luul Maxamuud Maxamed inay noqoto Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, taasoo muujineysa kalsoonida ay bulshada caafimaadku ku qabaan hoggaankeeda. Dr. Luul ayaa horey xilkan u haysay waxaana lagu xasuustaa doorkeeda firfircoon ee horumarinta ururka.

Waxaa sidoo kale la doortay xubnaha kale ee hoggaanka ururka, kuwaasoo kala ah:

  • Guddoomiye Ku-xigeenka: Dr. Maxamed Maxamuud Cumar.
  • Xoghayaha Guud: Dr. Fartuun Cabdullaahi Xasan.
  • Xoghayaha Maaliyadda: Dr. Cabdulxakiim Salaad Nageeye.
  • Xoghayaha Arrimaha Dadweynaha & Caalamiga ah: Dr. Xasan Nuur Diinle.
  • Xoghayaha Barnaamijyada CME iyo Cilmi-baarista: Dr. Cabdullaahi Saciid Xaashi.
  • Xoghayaha Arrimaha Bulshada & Gurmadka Degdegga ah: Dr. Fadumo Nuur Aadan.

Doorashadan ayaa lagu tilmaamay mid si hufan u dhacday, iyadoo dhammaan musharrixiinta lagu doortay si dimuquraadi ah, una hoggaansan qawaaniinta ururka.



Gunaanad

Dr. Luul Maxamuud Maxamed oo ka hadashay bilawga doorashada ayaa sheegtay:

“Waxaan balanqaadaayaa in aan ugu shaqeyn doono (Dhakhaatiirta) hufnaan, khibrad iyo aqoon iyo hawl-karnimo iyo daacadnimo. hogaan iyo daryeelka caafimaad bulshada in aan ka shaqeyndoono.”

Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa door muhiim ah ka ciyaara isu xirka xirfadlayaasha caafimaadka iyo horumarinta adeegyada caafimaad ee dalka, waxaana la filayaa in hoggaankan cusub uu sii xoojin doono doorkaasi muhiimka ah.


Doorashada Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed 2025 – Hoggaan Cusub oo Dib Loogu Amaanay Kalsoonida Dhakhaatiirta
Maxamed July 19, 2025
Archive
Sign in to leave a comment
Ramadaankii 1446aad(2025): Isbitaallada Gaarka ah ee Soomaaliya Oo Bixiyay 50% Qiimo Dhimis Adeegyada Caafimaadka – Falanqayn iyo Kormeer
Ramadaanka iyo Isbitaalada